CASHARKA MAANTA
MAGACA GUUD MAGACYADAN U KALA SAAR LABADAN NOOC EE UU U KALA BAXO MAGACA GUUD. MAGAC MUUQDA Kursi Miis Caano Qalin Buug Hargo Dawaco MAGAC QARSOON Xoogga Aqoon Diin Run Geesinimo Been Taag daran Waa maxay magac guud?Waa maxay magac gaar ah?Waa maxay magac muuqda?Waa maxay magac qarsoon? Su'aal walba si kooban uga jawaab. BUUXI MEELAHA BANAAN Dawacadu wax ka dhagar badanXoolaha waxaa laga helaa cad iyo caanoDiintu nuur bay u tahay dadkaRun iyo been kala raad lehGeesinimaduwaa loo dhashaa EREYADAN HOOS U TAXA U ORAN KA JAWAAB EREY WALBA LIDKIISA KU BEEG Gaajo Dharag Carfaya Uraya Deeqsi Bakheyl Caafimaad Jirro Doqon Fariid Gaaban Dheer Faqiir Taajir Shilis Weyd Bidix Midig Deggan Kacsan Qofka dadka wax bara waa.................? Macmiil Bare Xoog haye Mulkiile Sahay waa cuntada.................? Safar loo qaato Maqaaxida lagu cuno Guriga lagu cuno Masaakiinta la siiyo EREYADA DHANKA MIDIGTA AH SAFAN KA SOO SAAR SHAXDAN? SI AAD EREY U CALAAMADISID XARAFKA UGU HOREEYA GUJI. MADAXWEYNE WAALIDIIN MACALLIN SHABEEL BAKHAAR YAXAAS DUKAAN FARAS NIMCO GACAN Qor qaar kamida magacyada gobolada Soomaaliya? Magaalo walba oo aad aragto gobolka ay ka tirsan tahay ku qor adigoo ka eeganaya wikipedia. gobolada soomaaliya. SAWIR QARIIRADA SOOMAALIYA? Isku day inaad si qurux badan u sawirto. Sidee u aragtaa qaabkan cusub ee casharka aan usoo diyaariyay?